WAREYSI: Maxaa ka jira in la sii daayey Sayid Cali-gii Xaaskiisa gubay?

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Aabaha Luul C/casiis ayaa beeniyay muuqaal baraha warar sheegaya in lasii daayay Sayid Cali, oo ku xiran xabsiga, kuna xukuman dil toogasho ah.

 

Aabe C/casiis oo la hadlay Shabelle TV ayaa sheegay in Sayid Cali xiran yahay, islamarkaana aysan la socon macluumaadka baraha bulshadda lagu faafiyay maanta.

Wuxuu xusay in go’aankoodii hore aan waxba iska bedelin, oo ay wali sugayaan in dilka lagu fuliyo Sayid Cali, oo la sheegay in qoyskiisa uu raadinayo inay diyo bixiyaan.

Luul ayaa 2-dii bishii February 2024 u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray falka lagu gubay, oo 26-kii bishii January 2024 uu saygeeda ugu gaystay hoygooda oo ku yiilay Waaxda Labaad ee Degmada Dharkiinley.

Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo uur leh ayaa ifka uga tagtay lix carruur oo agoon ah, oo ay u dhashay saygeedii hore ee geeriyooday.

Qoyska iyo ehelada marxuumadda ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay gaartay Maxkamadda Rafcaanka ee ku ayiday xukunkii hore ee dilka ah.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here