Guddoomiye Amiir oo Wada Qorshe Biyo-Mareeno Cusub loogu sameynayo Muqdisho

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa shaaca ka qaaday qorshe cusub oo lagu dhisayo biyo-mareeno cusub si loo xalliyo dhibaatooyinka fatahaadaha ee ka jira Muqdisho.

 

Qorshahan cusub ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo laga go’an yahay in la hirgeliyo si loo hubiyo in magaalada ay hesho bulaacado biyaha ka saara, oo badda ku dara marka roobka da’o.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshahani uu yahay mid muhiim u ah horumarinta magaalada, gaar ahaan dhanka wadooyinka, oo roobkii ugu dambeeyay uu burburiyay.

Madaxda sare ee dowladda ayaa lagu wadaa inay si dhow ula shaqeeyaan Guddoomiyaha Gobolka Benaadir si loo taabogaliyo qorshahan, iyadoo guddiyo khaas ah loo magacaabay si ay u dardar geliyaan hawlaha la xiriira dhismaha iyo maamulka biyo-mareenada cusub.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dhismaha biyo-mareenada cusub uu ka dhigan yahay horumarinta nolosha bulshada iyo sare u qaadista adeegyada aasaasiga ah ee muhiimka u ah dadka magaalada, oo horumar ballaaran oo dhismaha iyo ganacsiga ka jiro.

Waxaa sidoo kale la filayaa in qorshahan cusub uu taageero ka helo bulshada Muqdisho iyo ururada bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya horumarinta deegaanka, iyadoo shacabka magaalada loo soo bandhigi doono warbixinno ku saabsan horumarka iyo jadwalka hawlaha biyo-mareenada.

Daawo Warbixinta:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here