Muqdisho – Qaar ka mid ah waddooyinka halbowlaha u ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa weli xiran, iyadoo roobabkii xooganaa ee ka da’ay habeenkii Jimcaha ee toddobaadkii hore ay sababeen daadad baaxad leh oo burbur xooggan gaarsiiyay jidadka.
Shacabka ku dhaqan caasimadda ayaa wajahaya dhibaatooyin nololeed iyo ciriiri dhanka isu socodka ah, iyaga oo aan heli karin waddooyin ay mari karaan, gaar ahaan xilliyada degdegga ah ee adeegyada caafimaadka ama ganacsiga. Dad badan ayaa ka cabanaya in ay xanniban yihiin xaafadohooda, taasoo saameyn ku yeelatay noloshooda maalinlaha ah.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa u muuqda mid ku guuldareystay ka jawaabista cabashooyinka shacabka ee la xiriira xaaladda waddooyinka, iyadoo aan ilaa hadda la arkin wax tallaabo ah oo muuqata oo lagu furayo ama lagu hagaajinayo jidadka burburay.
Daadadkii ka dhashay roobabka ayaa sababay khasaare baaxad leh oo aan weli si rasmi ah loo qiyaasin. Waddooyin badan oo horey u ahaa kuwo xiran sababo la xiriira amniga ayaa haatan noqday kuwo gebi ahaanba aan la mari karin, taasoo sii xoojisay cadaadiska saaran shacabka.
Inkastoo daqliga canshuuraha laga qaado muwaadiniinta Muqdisho uu yahay mid sare, haddana shacabka ayaa sheegaya in aysan helin adeeg dowladeed oo u dhigma dakhligaas, iyadoo adeegyada aasaasiga ah sida waddooyinka, biyo gelinta iyo nadiifinta ay u muuqdaan kuwo dayacan.
Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, kuwaas oo horey u ahaa kuwo kooban oo amni dartii loo xiray, ayaa haatan burbursan, iyadoo dowladda federaalka aanay wali qaadin wax tallaabo ah oo lagu dhisayo ama dib loogu furaayo waddooyinkaasi.
Xaaladdan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shacabka reer Muqdisho ay weli sugayaan adeegyo dowladeed oo dhab ah, kuwaas oo u dhigma canshuuraha joogtada ah ee laga qaado, iyo ballanqaadyadii dowladda ee dib u dhiska caasimadda.




