Muqdisho, Soomaaliya – May 14, 2025 – Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay saldhigga degmada Xamar Jajab, isagoo faahfaahin ka bixiyay falal amni darro ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Afhayeenka ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen tiro rag ah oo lagu eedeeyay in ay si joogto ah dhac ugu hayeen dad shacab ah, iyagoo ka qaadanayay moobillo noocyo kala duwan ah. Sidoo kale, waxaa la qabtay rag kale oo la sheegay in ay israsaasayn ku dhex martay kadib markii ay isku qabteen agabkii ay dhaceen, taasoo keentay in booliisku si degdeg ah u farageliyo una qabto.
“Ciidamada booliisku waxay guulo muhiim ah ka gaareen howlgalada lagu sugayo amniga. Waxaa gacanta lagu dhigay eedeysanayaal loo haysto dhac iyo israsaasayn, kuwaasoo hadda baaritaan lagu hayo,” ayuu yiri Afhayeen Cabdifitaax.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay dil argagax leh oo loo geystay Gaashaanle Sare Cabduqaadir Cigaal, kaas oo lagu dilay xaafadda KPP ee degmada Hodan. Wuxuu xusay in ilaa shan qof loo qabtay dhacdadaasi, kuwaasoo dhammaantood lagu hayo saldhigga booliiska islamarkaana ay hay’adaha amniga ku wadaan baaritaan dheeraad ah.
“Shan ruux ayaa loo soo qabtay dilka Gaashaanle Sare Cabduqaadir Cigaal. Eedeysanayaasha waxaa la horgeyn doonaa sharciga si caddaalad loo helo,” ayuu afhayeenku yiri.
Hadalka afhayeenka ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen cabashooyinka ka imaanaya shacabka Muqdisho oo ka walaacsan kororka falalka amni darrada, gaar ahaan dhac loo geysto dadka xilliyada habeenkii. Dadweynuhu waxay ciidamada amniga ku eedeeyeen in ay gaabis ku yihiin fulinta waajibaadkooda sugidda amniga.
Ciidamada booliiska ayaa sheegay in ay dardar gelin doonaan howlgallada lagu sugayo amniga caasimadda, si loo yareeyo falalka amni darrada ah ee waxyeellada ku haya dadka shacabka ah.



