Xiisadda siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo sii kordhaysa

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ay maamul cusub uga dhiseyso gobolka Gedo, kaasi oo la rumeysan yahay inuu barbar u noqonayo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

 

Qorshahan ayaa durba dhaliyay caro iyo diidmo ay muujiyeen odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Gedo. Qaar ka mid ah odayaashaasi oo dhawaan la hadlay warbaahinta ayaa si cad u sheegay in aysan aqbaleyn in gobolka Gedo laga hirgeliyo maamul cusub oo ay dowladda dhexe gadaal ka riixeyso.

Sida la xaqiijiyey, odayaashaasi qaarkood ayaa lagu xiray gudaha gobolka Gedo, arrintaasoo sare u sii qaadday xiisadda siyaasadeed.

Ugaas Maxamed Axmed Samatar oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Gedo ayaa dowladda federaalka iyo gaar ahaan Wasiirka Amniga Xukuumadda – oo deegaankaas kasoo jeeda – ugu baaqay in aysan shacabka iyo maamulka Jubbaland lagu maquunin awood ciidan.

Ugaasku waxa uu uga digay dowladda in tallaabooyinkan lagu wiiqayo maamulka Jubbaland ay keeni karaan cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa muddo dheer ku muransanaa arrimaha doorashooyinka iyo maamulka gobolka Gedo, oo ah halka uu salka ku hayo khilaafka.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, halka madaxda qaar ee maamul-goboleedyadu ay ku dheggan yihiin doorashooyin ay iyagu hagayaan.

Doorashadii madaxda maamul-goboleedyada oo waqtigeedu dhammaaday ayaa dib loo dhigay, taasoo qeyb ka ah sababaha sii hurinaya khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here