War Degdeg ah: Qarax Miino oo ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Baraawe

0

BARAAWE, Soomaaliya – Qarax miino oo lala beegsaday gaari qaad siday ayaa ka dhacay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Baraawe ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin amni.

 

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Ambareesa iyo garoonka, qiyaastii 5km u jirta bartamaha magaalada. Waxaa ku dhintay laba qof, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Wixii kusoo kordha warkan, kala soco wararkeena dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here