MOQOKORI – Taliyaha guutada 26aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Kornayl Cabdiraxmaan Hujaale, ayaa lagu dilay maanta jiidda hore ee dagaalka ee deegaanada ku dhaw degmada Moqokori, ee gobolka Hiiraan.
Dilka Kornaylka waxaa geystay askari lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Axmed, kaasoo isna isla markiiba lagu toogtay goobtaas ayadoo ay dileen ciidamo kale oo halkaas ku sugnaa, sida ay saraakiisha amniga sheegeen.
Labada meyd ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo la raaciyay diyaarad, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo amni.
Dilka Kornayl Hujaale wuxuu noqonayaa weerarkii labaad ee sanadkan lagu beegsado saraakiil ciidan oo heer sare ah.
Bishii hore ayaa sidoo kale la dilay Kornayl Nuur Fareey oo lagu weeraray meel u dhow degmada Afgooye, 30km u jirta caasimadda Muqdisho.
Dilka Taliyihii Guutada 14ka October waxaa sidoo kale geystay qof xirnaa darees ciidan.
Dilalka noocan ah ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan ammaanka gudaha ciidamada iyo suurtagalnimada in ay jiraan khataro ka dhex jira safka hore ee ciidanka qaranka.
Dowladda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan Taliye Xujaalelagu dilay.




