MUQDISHO, Soomaaliya – Wararka naga soo gaaraya wadada xiriirisa Ex-Kontarool Afgooye iyo Muqdisho ayaa sheegaya in laamigan dheer uu ka socdo howlgal bur burin ah oo lagu bur burinayo guryaha iyo dukaamada ku yaalla wadadaas.
Howlgalkan ayaa si gaar ah looga fulinayaa aagga dhulkii hore ee daawada loo yaqaan.
Mid ka mid ah dadka shacab ka ah, oo goob-jooge ka ahaa meesha bur burintu ka socoto, ayaa warbixin ka siiyay Shabelle, isagoo sheegay in xaaladda goobta ay tahay mid aad u kacsan.
Wuxuu sheegay in ciidamo badan oo wata gaadiid ciidan iyo cagaf cagaf ay ku sugan yihiin halkaas, kuwaas oo bur burinaya guryaha iyo dukaamada. Dadkii degenaa goobta ayaa ka cararaya xaaladda, iyadoo qaarkood ay qaxayaan.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dowladda ay horey dad badan uga barakicisay xaafado ay ku noolaayeen, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen xarumo dowladeed.
Barakacaas ayaa qeyb ka ah qorshayaasha dowladda ee ku aaddan dib-u-dhiska iyo beddelidda qaab-dhismeedka degmooyinka, inkastoo arrintani ay keentay carqalad iyo dhibaatooyin farabadan oo soo food saaray dadka rayidka ah ee ku noolaa goobahaas.




