Dowladda oo war kasoo saartay qaraxii ka dhacay Damaanyo, Muqdisho

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay uga hadashay qaraxii saakay ka dhacay magaaladda Muqdisho.

 

Qaraxa ayaa geystay khasaaro dhimasho oo ka badan 11 qof, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in illaa 20 qof ay ku dhinteen, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa weeraray dhalinyaro loo qorayay inay askar noqdaan, kuwaasoo saf ugu jiran inay galaan xerada Damaanyo.

 

May be an image of ‎text that says "‎FEDERAALKA SOOMAALIYA WASAARADDA WARFAAFINTA DALXIISKA الفدرالية الصوصال جمهورية لاعلام وزارة Somali Federal Republic Ministryo Information, Culture and lourism WARSAXAAFADEED Mogadishu, 18, May, 2025: Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah,, Ciidanka waxa ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka Hay'adaha Amniga waxa ay ka howlan yihiin xaqiijinta Khasaaraha, waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay warbixinta rasmiga ah ka sugaan Dowladda ee gacanta ku haya. Faahfaahin dhameystiran goor dhow insha allah. waxaan soo gudbin doonaa -DHAMMAAD- Degmada‎"‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here