Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Dhagax-dhigay Dhismaha Waddada Nasiib Buundo ee Muqdisho

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo, oo dhex marta degmooyinka Warta-Nabadda, Boondheere ilaa Shibis.

 

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Jibriil ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka ay tahay arrin lagama maarmaan u ah isku xirka bulshada iyo horumarka magaalada, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in waddo kasta oo la dhisayo loo sameeyo biyo mareen, si aysan u burburin marka roobabku da’aan.

“Waddo markii la dhiso waxaa lagama maarmaan ah in loo sameeyo goobo biyo mareen ah, haddii kale siima jireyso waddadaas. Guddoomiyaasha degmooyinka waxaan farayaa in ay tallaabo ka qaadaan dadka ku dheelaya nadaafadda waddooyinka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

Sidoo kale, waxa uu ammaanay dadaalka maamulka gobolka Banaadir ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah ee ka shaqeeya isku xirka degmooyinka caasimadda.

Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka, isla markaana ka qeyb qaataan nadaafadda iyo ilaalinta bilicda magaalada.

Mashruuca dhismaha waddada Nasiib Buundo ayaa lagu wadaa in uu wax ka beddelo isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, gaar ahaan xilliyada roobka, waxaana uu qeyb ka yahay qorshaha Dowladda Federaalka ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

May be an image of 7 people and textMay be an image of text that says "GEAHAADIR G.BANAADIR MAA MUNAASABADDA DHAGAXDHIGGA WADDADA NASIIB BUUNDO EE DEGMOOYINKA WARTA NABADDA, BOONDHEERE IYO SHIBIS 田 Buruuj CRobLEstole Constructior Constri RealEstate state 18, Vay, May,2025 2025 8 Wadada Nasiib buundo NAGAAD ไมย้ไ ไ่ sei"May be an image of 4 people and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 1 person, dais and text that says "G.BANAADIR JNAASABADDA [ DEGMOOYINKA de0o い GGA GGA m ODA ODA DA ND"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here