JOWHAR, Soomaaliya – Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo Labadii Maalin ee lasoo dhaafay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ku dhexmarayay Macawiisleyda deegaanka oo gacan ka helaya Ciidanka DF iyo Al-Shabaab.
Dagaaladan ayaa ahaa kuwo qaraar oo dhinacyadu ay kasoo gaareen Khasaarooyin kala duwan oo baaxad leh. Dagaalka oo markii hore ka bilowday Xadka Labada gobol ayaa ku fiday deegaano hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sarkaal u hadlay Macawiisleyda oo lagu magacaabo Korneel Khaliif ayaa sheegay in ay jiraan xubno Macawiisley ah oo dhabar jabin ku maqnaa ay duqeyeen diyaaradaha dagaalka.
Waxaana uu tilmaamay in Khasaara lixaad leh ay gaaraiiyeen Al-Shabaab taasi oo ku qasabtay in ay dib ugu laabtaan fariisimihii ay kasoo dagaal galeen.
Macawiisleyda Deegaanka ayaa la sheegay in ay soo raad raaceen xubnaha Al-Shabaab, iyaga oo isla soo gaaray deegaano hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.




