Shakhsiyaadka Hogaaminaya Shabakadda Khiyaamada iyo Tahriibka ee Soomaaliya oo la shaaciyay

0

Baaritaanno dheer ka dib, mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa kashifay shabakad ballaaran, oo burcad ah oo ku lug lahayd khiyaamo iyo tahriibinta dadka oo ka socday Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Maxamed Cismaan Xaaji Cali, Xamdi C/qaadir Cismaan iyo Maxamuud Xasan Cali ayaa la ogaadey inay yihiin hogaamiyayaasha shabakadda.

 

Waxay isticmaaleen magacyo been abuur ah, iyagoo mararka qaar iska dhigayay saraakiil dowladeed, wakiiladda ururada Bulshadda Rayidka,Cilmi-baariyaal ama khubaro shaqo si ay u khiyaamaan hay’ado caalami ah, oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobey.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo aan magacyadooda sheegin sababo la xiriira xasaasiyadda baaritaanka, ayaa xaqiijiyay in Maxamed Cismaan iyo Xamdi C/qaadir dhawaan ka soo laabteen Canada iyo Sweden. Waxay usoo gudbiyeen wasaaradda soo jeedin u muuqatay mashruuc shaqo, oo ku sheegeen inuu xiriir la leeyahay ururada shaqaalaha Turkiga iyo Wasaaradda Shaqada ee Turkiga, iyagoo doonayay inay ka helaan malaayiin doollar dowladda Turkiga.

Soo jeedinta ayaa markii hore loo gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasoo la wadaagtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada si ay u sii daba-gasho maadaama la xiriirtay arrimaha shaqada. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada ayaa si degdeg ah u ogaaday in soo jeedintu tahay khiyaano iyo been abuur, iyaga oo daaha ka qaaday in lagu doonayay maalgelin looga helo dowlado ajnabi ah, iyadoo magaca wasaaradda si qaldan loo isticmaalayo.

Kadib markii uu burburey qorshaha, Maxmed Cismaan ayaa u wareegay tahriibinta dhalinyarada Soomaaliyeed. Sida ay sheegeen ilo-xog-ogaal ah, wuxuu dib ula xiriiray Maxamuud Xasan Cali, oo hore usoo noqday Agaasimaha Wasaaradda Shaqada xiligii Abdiwali Ibrahim Sheikh Mudey. Waxay labadan shaqsi isla abaabuleen qorshe ay ay uga qaadanayaan $15,000 ilaa $19,000 qofkiiba si loogu tahriibiyo dalalka Yurub sanadkan 2025. Waa shaqo ay khibrad hore u leeyihiin, oo dad badan si tahriib ah ugu geeyay dalka Switzerland iyagoo adeegsanaya dukumintiyo dowladeed, saxiixa wasiiro iyo astaamoo been abuur ah.

Xamdi C/qaadir oo xiriir wanaagsan la leh madax katirsan dowladda ayaa waxaa loo xilsaaray inay soo ansixiso shakhsiyaadka loo soo bandhigay inay yihiin wakiilo ka soca ururada shaqaalaha, oo laga dhigayo dad ka qeybgalaya shir ka ka dhacaya Switzerland, balse ujeedku yahay in si tahriib ah dalkaasi ku galaan. Wasaaradda Shaqada ayaa diiday codsiga kana hortagtay falkan khiyaanada ah.

“Hamdi Abdulkadir Osman uma shaqayso dawladda. Haa, waxay leedahay qaraabo xafiiska jooga, laakiin taasi ma siinayo awood ay ku farageliso hawlaha dawladda. Howsha been abuurka ah ay rabto inay ku sharciyayso tahriibka waa fal-demiyeed khatar gelinaya sumcadda iyo magaca hay’adaha dawladda,” ayuu yiri Sarkaal sare oo dowladda katirsan oo magaciisa ka gaabsaday.

Baarayaashu waxay ogaadeen in saddexdan qof Xamdi, Maxamed iyo Maxamuud ay hore ugu lug lahaayeen howlo tahriibinta dadka. Sanadkii 2016, Maxamuud Xasan Cali ayaa su’aallo laga su’aal waydiiyay dalka Switzerland kadib markii saddex qof si tahriib ah ku geliyay dalkaas, kuwaasoo kala aadey Holland, Sweden iyo Norway. Maxamuud isagaa ka baqaya xarig, wuxuu u cararay dal kale qaaradda Yurub katirsan oo magan-gelyo waydiistay.

Sidoo kale, Maxamed Cismaan isagaa in la qabto ka baqey wuxuu 2018 u cararay Mareykanka, halkaasoo uga sii gudbay dalka Canada, oo ka codsaday magangalyo, laakiin labada ku saaxibay inay ka shaqeystaan tahriibinta waxay sii wadaan wali howlahooda sharci-darrada ah iyagoo adeegsanaya wakiillo, maadaama ay dalka ka maqan yihiin.

Sanadkii 2019, Maxamed Cismaan wuxuu adeegsaday Axmed Xassan Cumar si uu ugu fududeeyo tahriibinta qof lagu magabaaco C/qaadir Cawil Maxamuud oo la geynayay dalka Switzerland, isagoo laga qaatay lacag dhan $20,000, laakiin qorshaha waa fashilmay ka dib markii saraakiil katirsan dowladda Soomaaliya ay arintan la wadaageen madaxda hay’adda socdaalka Switzerland. Tani waxay sababtay in fiisaha loo diido C/qaadir Cawil. Markii qorshaha socon waayay, Axmed Xasan Cumar wuxuu kaligiisa u safray Switzerland, isagoo markii dambe iska-dhiibay Faransiiska, laakiin laga masaafuriyay ka dib markii la ogaaday xiriirkiisa shabakadaha tahriibka.

Sida dad la wareystay sheegeen, wakiiladda Shabakadda ee Muqdisho Cabdisalaan Yarow, oo markii hore shaqada u qoray Maxamed Cismaan oo Canada ku sugan ayaa la kashifay oo laga saaray liiska. Hamdi C/qaadir ayaa lagu bedelay, waxaana loo xilsaarey inay la xiriirto ururada shaqaalaha Sweden iyo hay’adda ILO, iyadoo iska dhigaysa inay wakiil ka tahay urur shaqaale, laakiin markii laga shakiyay ayaa laga diiday dalabkeeda, waxaana la joojiyay xiriirkeeda.

Maxamed Cismaan sidoo kale wuxuu isku dayay inuu la xiriiro Canadian Labour Congress, isagoo iska dhigay shaqsi u dhaq-dhaqaaqa arrimaha shaqaalaha Soomaaliya, laakiin waa uu ku guul-dareystay isku-daygiisa, ka dib markii la ogaaday inuu yahay been abuur. ILO iyo ururo kale oo shaqaale oo Africa iyo caalamka kale ka dhisan ayaa xaqiijiyay in Maxamed Cismaan, Axmed Xasan Cumar iyo C/salaan Yarow in la geliyay liiska madow, islamarkaana aan wax xiriir ah la sameyn karin, maadaama lagu helay been abuur iyo wax tahriibin.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in saraakiisha Switzerland ay ka warhayaan falal dembiyeedka ay ku jiraan Maxamed Cismaan iyo Maxamuud Xasan, waxaana labadan qof iyo Gabadha Xamdi lagu maacaabo ay qorsheeyeen in iyagooo adeegsanaya baasaboorada dalal shisheeye iyo dukumintiyo been abuur ah ay shaqsiyaad ku galeen Switzerland bishan May ama horaanta June 2025.

Sida ay saraakiisha baaritaanka ay sheegeen, Maxamed iyo Maxamuud ayaa xiligii hore ee shaqada tahriibka adeegsaday 2014 illaa 2016 dukumintiyo been abuur ah oo loo ekeysiiyay kuwa ay soo saartay wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda dowladda Soomaaliya, kuwaasoo shaqsiyaad dhowr ah Yurub lagu geliyay, waxayna ka faa’ideysteen xilkii uu Maxamuud ka hayay wasaaradda oo xiligaas wasiir ka ahaa Abdiwali Ibrahim Sheikh Mudey.

Isku daygii ugu dambeey ay ee lagu soo celinayay hawlahaas ayaa fashilmay sababo la xiriira kormeer adag iyo iskaashi xooggan oo u dhexeeya wasaaradaha Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah. Urur la sheegay inuu kamid yahay “Somali Congress of Trade Unions” oo been abuur ah oo loogu tala galay inay sharciyada caalami ah ku helaan ayaa sidoo kale la kashifay. Hay’adaha caalamiga ah, sida ILO iyo ITUC, ayaa magacyada shaqiyaadkan ka xanibay inay xiriir la sameeyaan.

Xogaha ayaa sheegaya in ay socdaan baaritaanno, iyadoo dowladda Soomaaliya balan-qaadey inay la dagaalamayso tahriibka iyo dadka ku lugta leh, waxaana lagu amray wasaaradaha xukuumadda inay ka feejignaadaan kuwa u isticmaalaya hay’adaha qaranka iyo dowladaha saaxiibka la ah inay ku fulistaan shaqadooda wax tahriibinta.

Baaritaannada ku saabsan kiiska Maxamed Cismaan Xaaji Cali, Xamdi C/qaadir Cismaan iyo Maxamuud Xasan Cali, ayaa wali socda. Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxay heshay dukumentiyo xaqiijinaya in magacyadooda loo gudbiyay dembi-baarista dowladda Switzerland si tallaabo sharci ah uga qaadaan, maadaama ay galeen dambiyada iska dhigista ururo ama shaqsiyaad aysan ahayn, khiyaanada, iyo tahriibka.

Saddexdii bilood ee la soo dhaafay, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xirtay 21 qof oo ku lug lahaa tahriibka UK iyo dalal kale oo kamid ah Midowga Yurub. Qaar ka mid ah tuhmanayaasha lagu raad-joogaa soo qabashadooda, iyadoo lala kaashanayo hay’ado caalami ah, waxaana laga codsaday dowlado in la soo celiyo kuwa ku dhuumanaya qaaradda Yurub si caadaladda loo soo taago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here