Kismaayo, Soomaaliya – Cabdulkaadir Xaaji Maxamuud (Luga Dheere), madaxweyne ku-xigeenka labaad ee dowlad-goboleedka Jubaland, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee wali u dhexeeya maamulka Jubaland iyo dowladda federaalka, kaas oo muddo bilooyin ah taagnaa, isagoo dowladda dhexe ugu baaqay in aysan siyaasaddeynin gurmadka bini’aadantinimo ee loo fidinayo Jubaland.
Suldaan Luga Dheere ayaa sheegay in loo baahan yahay in si cad loo kala saaro arrimaha khilaafka siyaasadeed iyo gurmadka degdegga ah ee la gaarsiinayo shacabka ku nool deegaanada Jubaland ee ay abaaruhu iyo colaadaha saameeyeen.
“Gargaarka lama siyaasadeyn karo. Shacabka Jubaland waxay xaq u leeyihiin in la gaarsiiyo kaalmo bini’aadantinimo sida kuwa kale ee Soomaaliyeed. Dowladda dhexe waxaan ugu baaqayaa in ay si cadaalad ah ula dhaqanto dhammaan maamul-goboleedyada hoos yimaada,” ayuu yiri Lugadheere oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.
Wuxuu sidoo kale baaq u diray hay’adaha caalamiga ah ee bixiya gurmadka, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay si degdeg ah u gaaraan deegaannada Jubaland ee ay dhibaatooyinka ka taagan yihiin.
Khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda dhexe ayaa wali taagan, iyadoo aan weli xal rasmi ah laga gaarin. Todobaadyadii la soo dhaafay, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe ay ku dhisayso maamul cusub oo ka bar-bar shaqeeya Jubaland, arrintaas oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac u dhaxeysa.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ka digaya in khilaafkaasi uu saameyn ku yeesho adeegyada bulshada iyo gurmadka degdegga ah ee loo baahan yahay in si siman loogu qeybiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan.




