Marxuum Faarax Guuleed Maxamed oo ku geeriyooday Muqdisho – Sidee u dhacay dilkiisa?

0

MUQDISHO (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa goordhow isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Faarax Guuleed Maxamed oo 63 jir ahaa, kaas oo saaka aroortii hore, isaga oo dhaawac ah laga keenay magaalada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Marxuumka ayaa u dhintay dhaawac culus oo madaxa kasoo gaaray iyo jabniin gacanta ah oo 25-kii bishan oo shalay ku beegneed ay u gaysteen maleeshiyaad hubeysan oo usoo weeraray aano qabiil darteed.

Saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka Madiino ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay geerida marxuum Faarax Guuleed Maxamed, waxayna sheegeen in intii loo soo waday isbitaalka uu soo dhiig baxay,isla markaana uu heli waayay daryeelkii uu u baahnaa, ugu dambeyna uu ku geeriyooday isbitaalka.

Intaasi kadib Shabelle ayaa la xiriirtay Nabadoonka guud ee Beesha Jaaji oo ah Beesha uu kasoo jeedo marxuumka, wuxuuna la hadlay isaga oo ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, kadibna waxa uu ka sheekeeyay sababta loo beegsaday marxuum Faarax Guuleed Maxamed iyo xaaladda guud ee deegaanka, gaar ahaan dhibaatada ay wajaheyso beesha.

Nabadoonka ayaa xusay in Beesha Jaaji oo dagto gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir ay dhibaatooyin ay kamid yihiin dilal iyo weeraro joogto ah ay kala kulmaan beelaha kale, isla-markaana maalin walba loo gaysto tacaddiyo ka baxsan bani’aadanimada, taasina ay ka cabanayaan.

Isaga oo si gaar ah uga hadlayay kiiska Marxuum Faarax ayuu tilmaamay in loo dilay shilka gaari ee uu galay wiilkiisa, kaas oo ay ku dhinteen nin oday ahaa iyo gabar yar, kadibna wiilkiisa uu cararay, beddalkiisana isaga loo qabsaday kiiska, diyada markii uu bixi waayana la dilay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in gebi ahan la gubay guriga reer Faarax Guuleed Maxamed, sidoo kalena lagala wareegay hantidooda, sida uu nabadoonka ku sheegay wareysigan oo uu uga hadlay sida loola dhaqmay marxuumka iyo carruurtiisa.

“Runtii Allaha u naxariistee walaalkey Faarax Guuleed Maxamed wuxuu ahaa nin da’ah oo magaalada Buula-mareer deggan, kana mid ahaa beeraleyda deegaanka, sidoo Kale badda ayuu ka xamaalan jiray, ninkaas odeyga ah wiilkiisa oo bas waday ayaa shil galay taariikhda marka ay ahayd 27-kii April oo aynu soo dhaafnay, meeshaasna waxaa ku dhimatay nin odey ahaa iyo gabar, wiilkiina wuu ka baxsaday meesha, sidaas ayaa loo weeraray looguna gaystay jirdil xoogan oo sababay in madaxa uu dhaawac daran kasoo gaaro, ugu dambeyna uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.” ayuu wareysiga ku yiri Nabdoonka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dilka Faarax oo kaliya aysan ku ekaan dhibaatada oo illaa iyo hadda beesha lagu hayo xad-gudubyo joogto ah, kuwaas oo sababay in dad badan oo beesha u dhashay ay ka carareen guryahooda iyo deegaankooda, si aysan usoo gaarin waxyeelo dhaawac ah ama dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here