Muqdisho – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan bille ah oo si gaar ah loogu gorfeeyay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, iyadoo kulankaasi ay si wadajir ah u guddoomiyeen Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane George Conway.
Shirka waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Madaxa OCHA ee Soomaaliya, khubaro farsamo oo ka tirsan SoDMA iyo xubno kale oo matalayay labada dhinac ee iskaashiga bani’aadannimo.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha dhaqaale ee saameeyay howlaha gurmadka, iyadoo si gaar ah loo xusay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii deeq-bixiyeyaasha iyo baahida loo qabo dib-u-eegista adeegyada iyo mashaariicda hortabinta leh.
Labada dhinac ayaa isla gartay in loo baahanyahay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada bani’aadannimo si si wax-ku-ool ah loogu wajahdo xaaladaha taagan, loogana jawaabo baahiyaha isa-soo taraya ee bulshada Soomaaliyeed.
Hay’adda SoDMA ayaa mar kale adkeysay go’aankeeda ku aaddan in ay sii laba-laabto wadashaqeynta ay la leedahay bah-wadaagta caalamiga ah si loo dhiso nidaam bani’aadannimo oo adkeysi leh, kaas oo si hufan uga jawaabi kara xaaladaha adag ee ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya.




