Ciidamada Puntland oo Howlgal Qorshaysan ka Fuliya Buuraha Calmiskaad, Xubno Daacish ah oo la Dilay

0

Buuraha Calmiskaad, Puntland — Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaannada Xal iyo Walinsoor ee buuraha Calmiskaad ku dilay xubno ka tirsan firxadka kooxda argagixisada ah ee Daacish. Howlgalkan oo si taxaddar leh loo diyaariyey ayaa bartilmaameedsaday godad iyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Daacish ee firxadka ah.

 

Wararka laga helayo ilo-wareedyo sirdoon iyo kuwa ciidamada ayaa sheegaya in howlgalka uu socday muddo saacado ah, isla markaana uu dhaliyey khasaare xooggan oo ka gaaray kooxda Daacish. Inta la xaqiijiyay, tiro kamid ah xubnaha kooxda ayaa lagu dilay goobta, iyadoo sidoo kale la burburiyay agabyo isugu jira raashin, sahay ciidan iyo qalab kale oo ay godadkooda ku kaydsanayeen.

Afhayeen u hadlay ciidamada Puntland ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee maamulka Puntland uu ugu jiro sidii looga sifeyn lahaa buuraha Calmiskaad iyo guud ahaan gobollada Puntland kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Daacish oo sanadihii dambe ku dhuumaaleysanayay deegaannadaas.

“Ciidamada waxay heleen xog sugan oo ku saabsan goobaha ay isku aruursanayeen xubno firxad ah oo ka tirsan kooxda Daacish. Waxaan si guul ah u burburinay xarumo ay ku kaydsanayeen raashinka iyo agabka kale, waxaana sidoo kale meesha lagu dilay dagaalyahanno argagixiso ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Waxaa la filayaa in howlgalladan ay sii socdaan maalmaha soo socda, iyadoo la eegayo halkii ay kooxdu uga sii firxatay. Puntland ayaa horey u shaacisay in aysan marnaba ogolaan doonin in kooxaha argagixisada ay saldhigyo ka sameystaan buuraha ama deegaannada fogfog ee maamulka.

Dad deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in ay maqleen daryanka rasaasta iyo qaraxyada inta lagu guda jiray howlgalka, waxayna taageero u muujiyeen ciidamada, iyagoo sheegay in ay rajeynayaan in deegaanka laga sifeeyo kooxahan dhibaateeya shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here