GARASBAALEY – Degmada Garasbaaleey ee Koonfurta Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay falal lagu eedeeyay in ay ku kacayeen rag la sheegay in ay yihiin caanahuur aruuriyaal, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in ay si sharci darro ah lacag uga ururinayeen dadka deegaanka.
Goob-joogayaal iyo dad deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in raggan ay si khasab ah ku galayeen guryaha dadka, iyaga oo lacago ka dalbanayay qoysaska, islamarkaana kuwa ka dhaga adeega ku sameynayay jirdil, garaacis iyo liif-garaac.
Dadka deegaanka ayaa ka biya diidan lacagahaasi, iyagoo sheegay in aysan ahayn canshuur sharci ah, islamarkaana aysan jirin wax dowladeed oo si cad u sheegaya in lacagtaasi la aruurinayo. “Waa dhibtood, guryaha ayay si xoog ah u soo galaan, waxayna rabaan lacag aanan garaneyn cidda laga qaadayo iyo sababta,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay ciidamada joogta Garasbaaleey in ay qeyb ka yihiin ama ay ka war hayaan arrimahaasi, taasoo sii hurisay caro bulshada dhexdeeda ka jirta.
Wararka ayaa intaa ku daraya in aysan jirin wax jawaab ah oo rasmi ah oo ilaa hadda kasoo baxay maamulka degmada ama hay’adaha amniga ee gobolka Banaadir.
Dadka deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda dhexe iyo maamulka gobolka in ay wax ka qabtaan dhibaatada ay wajahayaan, ayna caddeeyaan cidda masuulka ka ah ururinta lacagtan iyo waxa lagu saleynayo.
Waxaa laga cabsi qabaa in xaaladdu cirka isku shareerto haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, maadaama ay bulshada muujinayaan caro xooggan iyo diidmo ku aaddan dhaqanka raggaasi.



