Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hambalyo u Diray Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku guuleystay hoggaanka Golaha Shacabka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaannada Golaha Shacabka u muujiyeen, isaga oo u rajeeyay inuu si hufan oo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, isla markaana uu hormuud ka noqdo dadaallada lagu xoojinayo shaqada iyo doorka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn iyo isku-duubni dhow oo dhex marta hay’adaha dowladda, gaar ahaan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, taas oo uu sheegay inay muhiim u tahay dardargelinta qorshayaasha Qaranka, xoojinta dowladnimada iyo xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambayn Guddoomiyaha cusub u rajeeyay masuuliyad gudasho wanaagsan, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso hay’adaha sharci-dejinta dalka, si loo horumariyo shuruucda iyo siyaasadaha muhiimka u ah xasilloonida iyo mustaqbalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here