HIIRAAN – Macawiisleyda deegaanka Hiiraan iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan ka wada deegaano dhowaan ay la wareegeen kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan tuulooyin iyo deegaano ku teedsan deegaanka Ceel Hareeri.
Wararka ka imaanaya gobolka ayaa sheegaya in Macawiisleyda deegaanka ay si buuxda u hubaysan yihiin, islamarkaana ay joogaan deegaanada Ceel Hareeri iyo ku dhaw, kuwaas oo dhawaan ay dagaal kula wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Deegaanka Ceel Hareeri waxa uu horay uga mid ahaa goobaha laga saaray kooxda Al-Shabaab kaddib dagaallo culus oo qasaaro badan dhaliyay, hase yeeshee Al-Shabaab ayaa dhowaan dib ugu soo laabtay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, iyaga oo dib u qabsaday deegaano muhiim ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay ku beegantay duqeymo xooggan oo lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhacay deegaanada Ceel Hareeri iyo ku xeeran.
Xaalada gobolka Hiiraan ayaa ah mid dagaal iyo iska hor imaad joogto ah ay ka jiraan, iyadoo maalmaha lasoo dhaafay ay jireen dagaallo goos goos ah oo u dhexeeya Macawiisleyda iyo kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada Macawiisleyda iyo CXD ayaa lagu waramayaa inay qorsheynayaan inay sii ballaariyaan dhaqdhaqaaqooda militari, iyaga oo isku dayaya inay ka saaraan Al-Shabaab deegaano kale oo muhiim ah oo ay gacanta ku hayaan gobolka Hiiraan.




