NAIROBI – Ciidamada gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada ee Kenya, gaar ahaan kooxda howlgalada khaaska ah, ayaa habeenimadii Isniinta toogasho ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab kadib hawlgal qorshaysan oo ka dhacay gobolka Mandera.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday laanta la dagaalanka argagixisada, ciidamada ayaa hawlgalka bilaabay xilli hore oo habeenkii ah kadib markii ay heleen xog sirdoon oo lagu kalsoonaan karo. Kooxda la beegsaday ayaa la sheegay inay qorsheynayeen weerar ay ka fuliyaan wadada Alungu-Elwak ee ku taalla degmada Mandera.
Booliisku waxay sheegeen in xubnaha Al-Shabaab ay ku dhowaayeen dhamaystirka qorshe ay walxaha qarxa ugu geli lahaayeen wadada si ay u beegsadaan gaadiidka rayidka.
Dagaal culus ayaa halkaasi ka dhacay, waxaana goobta lagu dilay labo ka mid ah argagixisada, halka kuwo kalena ay dhaawacyo culus qabaan islamarkaana ay u baxsadeen dhul hawd ah, iyadoo ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan.
Warbixinta booliiska ayaa tiri:
“Ciidamada khaaska ah ee SOG waxay fuliyeen hawlgal subax hore ah oo lagu bartilmaameedsanayey xubno Al-Shabaab ah oo qorsheynayey inay qaraxyo ku beegsadaan shacabka wadada Alungu-Elwak. Waxaa la helay labo qori oo AK-47 ah, madaxda hubka RPG ah, iyo IED si buuxda loo diyaariyey.”
Qiimeynta hordhaca ah ayaa muujisay in hawlgalku uu si weyn u hor istaagay weerar ballaaran oo lagu waxyeelayn lahaa dadka rayidka ah ee isticmaalaya wadadaasi.
Dhinaca kale, saraakiisha amniga ee dalka ayaa markale ku celiyey inay sii xoojin doonaan howlgalada ka dhanka ah argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.
Waxaa sidoo kale la xusay in 8-dii May ay ciidamada SOG ay dileen mid ka mid ah argagixisada Al-Shabaab gudaha degmada Garissa, xilli ay jawaab uga bixinayeen warbixin ay dad deegaanka bixiyeen oo sheegaysay in qaraxyo la dhigayay wadada Dadaab-Hagadera.
Weerarkaasi ayaa sidoo kale lagu dhaawacay saddex argagixiso oo kale, iyadoo mid kalena la xiray. Ciidamada ayaa goobta ka helay hub ay ka mid yihiin qori PKM ah, AK-47, bastoolad, raadiyaha isgaarsiinta, iyo qalabkii lagu qarxin lahaa IED.
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa la filayaa inay sii wadaan howlgallada noocan oo kale ah si looga hortago weerarada Al-Shabaab.



