Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ay si kulul u cambaareysay go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadatey saaxiibadda Beesha Caalamka, taasoo ay ku tilmaantay mid go’doon gelinaysa dalka, maadaama uu ku tiirsan yahay taageeradda Caalamka.
War-saxafaadeed ay Madasha soo saartey ayay ku sheegtay in tallaabadan ay tahay mid Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh indha beesha caalamka uga leexinayo go’doonka siyaasadeed ee uu xiligan ku jiro iyo fashilka inuu wahadallo wax ku-ool ah la galo saamileyda siyaasadda ee khilaafka kala dhaxeeya.
Waxay Madashu sheegtay in hogaanka Madaxweyne Xasan Sheekh uu u horseeday dalka xasiloonid-darro siyaasadeed, kadib markii uu awoodda isku soo koobey, oo la kaladiray Gollaha Wadatashiga Qaran, oo xubnihiisa qaar lagu daray Xisbiga Siyaasadeed ee Villa Somalia dhistay dhawaan xili dalka uu galayo marxalad kala-guur ah oo aad ugu baahnaa wadahallo loo dhan yahay oo khilaafka ka taagan doorashadda iyo dastuurka lagu xalinayo.
“Madaxweynaha isagaa isku soo koobay awoodda dalka, taasi waxaa caddayn u ah kala diridda Gollaha Wadatashiga Qaran, in lala wareegay maamulka baarlamaanka, in awood militeri loo adeegsado maamul Goboleedyada, in cadaadis la saaray mucaaradka iyo warbaahinta madaxa-bannaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.
Sidoo kale, waxay xustay Madasha in daciifinta hay’adaha dowliga iyo burburinta wadatashaqeyntii Beesha Caalamka ay khatar gelinyso horumarka Soomaaliya ka sameynaysay dhanka dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska. Waxay sheegeen in go’aanada Madaxweynaha ay baalmarsan yihiin balanqaadkii ololaha doorashaddii 2022 ku galay ee ahaa inuu ka shaqeynayo “Soomaaliya oo nabad la leh nafteeda iyo adduunka.”
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay ku boorinaysaa dowladda Federaalka inay dib u eegis ku sameyso go’aankeeda iyo jihada dalka ku wado, ayna ka shaqeyso sidii lagu gaari lahaa go’aanno wada jir ah oo ku saleysan wax ka qabashadda khilaafka siyaasadeed, amniga iyo khatarta Al-Shabaab.
Bayaankan ayaa soo baxay kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay warqad u dirtay Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan, iyada oo ku dalbatay in la kala diro qaabka C6+, kaasoo ka kooban dalalka iyo hay’adaha waaweyn sida Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Qaramada Midoobay iyo kuwo kale, kuwaasoo kaalin weyn ku lahaa isku-duwidda taageerada Soomaaliya tan iyo 2010.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Balcad wuxuu sheegay in dalka arrimihiisa dibadda laga hago ay dhaawac u geysan karto madax-bannaanida Soomaaliya iyo sumcadda hay’adaha Dowladda, sidaas darteedna ugu baaqay beesha caalamka in la joojiyo qaabka kooxda C6+, oo dadka qaar ugu yaareena Beesha 6aad.




