Axmed Madoobe oo Garoowe Kulamo Gaar Ah Kula Yeesha Madaxweynaha Puntland

0

Muqdisho, 22 Juunyo 2025 — Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe, halkaas oo xalay kulan gaar ah kula qaatay dhigiisa Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

 

Kulankan oo si gaar ah loogu qabtay labada hoggaamiye ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada maamul Goboleed.

Kulanka ayaa socday muddo saacado ah, waxaana diiradda lagu saaray dib u soo nooleynta xiriirka labada maamul oo muddo ku jiray mugdi iyo madmadow, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay qorshayaasha ay labada dhinac uga jiraan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada muranka badan dhalisay iyo wax ka bedelka lagu sameeyay dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa si qoto dheer uga dooday sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dadaallada lagu badbaadinayo dalka, oo ay hormuud ka yihiin Madasha Samatabixinta ee ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowladda federaalka.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur, oo waraysi siiyey Radio Shabelle, ayaa ka warbixiyey kulamada socda iyo wixii laga filayo inay kasoo baxaan.

Waxaa la filayaa in isbahaysiga cusub ee ay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland sameystaan uu noqdo mid awood leh, islamarkaana wax ku ool u noqda mucaaradka kasoo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here