Dadkii Ka Qaxay Deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo Dib Ugu Soo Laabanaya

0

Shabeelaha Hoose, Soomaaliya – Deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose, oo dhawaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa laga dareemayaa xaalad daganaansho. Dadkii deegaankaasi ka qaxay ayaa la sheegay inay si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabanayaan guryahooda, inkastoo burbur xoogan uu ka jiro qaar ka mid ah kaabayaasha deegaanka.

 

Buundadii dhex martay Sabiid iyo Caanoole ayaa wali burbursan kadib markii kooxaha Al-Shabaab ay ku qarxiyeen markii ay ka baxayeen deegaankaasi. Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa sheegay in burburka buundada uusan saameyn toos ah ku yeelan doonin soo laabashadooda, iyagoo si nabad ah guryahooda ugu soo laabanaya.

Xaaladda degan ayaa weli ah mid xasiloon, waxaana bartamaha magaallada laga arkayaa ciidamada dowladda oo tiradoodu badan tahay, kuwaasoo dadka deegaanka ugu baaqaya inay is dejiyaan oo ay guryahooda ku nagaadaan nabad.

Saraakiisha ciidamada ayaa shacabka u sheegay in ciidamadu aysan dib uga bixi doonin deegaanada Sabiid iyo Caanoole, islamarkaana ay sii xoojinayaan joogitaankooda si loo xaqiijiyo amniga.

Dhanka kale, taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ku sugan furimaha gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanada Sabiid iyo Caanoole, ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Generaal Sahal ayaa sheegay in ciidamada ay dedaal ku bixinayaan sidii dib loogu la wareegi lahaa dhammaan goobihii ay horay uga baxeen, wuxuuna tilmaamay in deegaanno badan oo hore loo banneeyay hadda dib ula wareegay ciidanka dowladda, kuwaasoo qayb ka ah Sabiid iyo Caanoole oo horey gacanta ugu hayeen kooxda Al-Shabaab.

In kasta oo Al-Shabaab markii ay ka baxayeen deegaannadaasi ay qarax ku burburiyeen buundada, haddana ciidamada dowladda ayaa si buuxda ula wareegay labada deegaan, kuwaasoo ay gacanta ku hayeen muddo bilihii u dambeeyay.

Waxaa muuqata in ciidamada Xooga Dalka ay si xooggan uga go’an tahay sugidda amniga iyo xasilinta deegaannada Shabeelaha Hoose, iyagoo ka shaqeynaya sidii dadka deegaanka ay nolol caadi ah ugu soo laaban lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here