Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur xuska 26-ka June

0

MUQDISHO – Madaxweynaha  Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho, isagoo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo-doonka dalka.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Taallada Dhagax-tuur ay tahay astaan taariikhi ah oo xusuusineysa halgankii geesinimada lahaa ee ay soo mareen aasaasayaashii iyo halgamayaashii Soomaaliyeed ee u taagnaa gobannimada, midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

“Waa waajib in aan xasuusanno oo aan maamuusno halgameyaashii dhiiggooda u huray in aynu maanta Soomaali xor ah noqono. Midnimada, daljacaylka iyo wadajirka waa tiirarka aan ku ilaalin karno qaranimadeenna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Munaasabadda ubax-dhigga waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaanno, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda, kuwaas oo dhammaantood muujiyay ixtiraamka ay u hayaan halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.

Xuskan ayaa ku soo beegmaya sanad-guuradii 65-aad ee xorriyaddii Gobollada Waqooyi, taasoo ah xusuus qaran oo muujinaysa halgankii loo soo galay dhismaha dal Soomaaliyeed oo mideysan, nabad ah, kana shaqeynaya horumar iyo caddaalad.

May be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people and text that says "401 DABAALDEGGA GUURADA 65AAD 65 AAD SANAD WAINWSMAEAMA.SOMANE NGUHAMBALYEYNAYAA NAYAA WAKAAN SHACABKA SOOMAALIYEED VONYADDAEE RUNA XORIYADDA RIYAD 26-KA 26-KAJUUNT JUUN 1-DA LUULIYO ക"May be an image of 5 people and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 11 peopleMay be an image of 3 people, wedding and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here