Muqdisho, Luulyo 12, 2025 – Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah isimada dhaqanka ee gobolka SSC-Khaatumo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la isla gartay kaalinta hoggaanka dhaqanka ee muhiimka u ah nabadeynta, wadajirka bulshada, iyo ilaalinta midnimada guud ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta iyo isimadu waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta, loona dardar gelin lahaa dadaallada nabad ku wada noolaanshaha iyo horumarinta maamul wanaagga ee SSC-Khaatumo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo maamulada gobolka iyo kobcinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.




