Madaxwayne Deni oo war kasoo saaray Khilaafka Puntland kala dhaxeeya DFS

0

GAROWE – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyay kulan ka dhacayay Garoowe, ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan khilaafka Maamulkiisa kala dhaxeeya Dawladda Fedraalka iyo dagaalka Daacish.

 

Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan wadin mashruuc kasoo horjeeda Dawladnimada iyo Soomaalinimada, isagoo qiray inay qayb wayn ka yihiin dhismaha Dawladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa yiri: “Puntland ma ahan mashruuc kasoo horjeeda dowladnimada Soomaaliya”.

Wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah ee kooxda Daacish, isagoo balan qaaday inuu tagi doono furimaha hore ee dagaalka, si uu u dhiirigeliyo Ciidamada difaaca Puntland ee haatan howlgalada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

“Waxaan tagi doonaa furimaha dagaalka hawlgalkuna waa uu soconayaa illaa lawaayo cadaw saldhig ciidan ku leh Puntland,” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo xilli uu taagan yahay khilaafka Muqdisho iyo Garoowe, kaasoo uga sii daray dhamaystirka SSC-Khaatumo, kadib markii lasoo jeediyay in gobolka Sanaag lagu biiriyo, taas oo si wayn uga carootay Dawlad-Goboleedka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here