NISA oo 7 ka tirsan Al-Shabaab ku dishay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

0

MUQDISHO, 13 Luulyo, 2025 – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay fulisay howlgal qorshaysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Buulo-Xoog oo hoos taga Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan.

 

Intii lagu guda jiray howlgalka, waxaa la dilay 7 ka tirsan Al-Shabaab, halka sidoo kalena la burburiyay labo gaari oo siday hub.

War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonku ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dagaalyahanada la socday, islamarkaana ay howlgalka fuliyeen kaddib markii la xaqiijiyay xogta sirdoon ee ku saabsan goobta iyo waqtiga ay ku sugnaayeen.

Howlgalka ayaa billowday xilli ay gaadiidkaasi kasoo laabanayeen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, kuna sii jeedeen Buq-Aqable.

NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu kusoo dhammaaday si guul leh, islamarkaana lagu burburiyay hubkii, gaadiidkii iyo dagaalyahannadii halkaas ku sugnaa.

Hay’addu waxay sidoo kale shaacisay in muuqaalka howlgalka ay duubeen kamaradaha sirdoonka, ayna dhawaan la wadaagi doonto shacabka Soomaaliyeed si ay u arkaan jabkii xooganaa ee la gaarsiiyay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here