Al-Shabaab oo La Wareegtay Deegaano Muhiim Ah oo Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

0

TARDO — Al-Shabaab ayaa dhowaan si buuxda ula wareegay deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaasoo horay loogu bixiyay magacyada Naf iyo Maal. Labadan deegaan, oo kala ah Degmada Moqokori iyo deegaanka Tardo, ayaa ahayd meel muhiim u ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Su’aalo badan ayaa haatan ka taagan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ku saabsan qabsashada deegaanadan, iyadoo macawiisleyda deegaanka ay muujinayaan cabasho ah inaysan helin taageero ku filan oo ay ku xajin lahaayeen deegaanadooda.

Macawiisleyda ayaa sidoo kale aaminsan in ciidamada ka soo horjeeda Al-Shabaab ay ka yimaadeen gobollo kale oo ay ka mid yihiin Gobolka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS), gobollada Jubbooyinka, iyo gudaha Itoobiya, halkaasoo Oromadu qeyb ka ahayd dagaalka.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya warar cusub oo sheegaya in Al-Shabaab ay bilaabeen barakicinta dadka reer Hiiraan, si ay ugu faa’iideystaan lacago ay ku faafinayaan warar been abuur ah. Lacagahaas ayaa la sheegay inay dhexmarayaan ganacsato qaarkood oo deegaanka ku sugan.

Mid ka mid ah macawiisleyda deegaanka oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa si cad u sheegay in beesha dagaalka kula jirta Al-Shabaab ay ku taganoobeen dagaalka, iyagoo aan helin wax gacan ah oo taageero ah.

Dhinaca kale, dadka reer Hiiraan ayaa haatan wajahaya xaalad adag oo dhaqaale, deegaan iyo nololba ah, iyadoo ay u baahan yihiin taageero degdeg ah oo dhinac kasta ah si looga hortago saameynta dagaalka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here