Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo ka Hadlay Qabsashada Deegaanka Tardo ee Al-Shabaab

0

BELEDWEYNE — Mid kamid ah waxgaradka deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa waraysi gaar ah siiyey idaacadda Shabelle, isagoo si qoto dheer uga hadlay qabsashada deegaankaasi ee ay Al-Shabaab la wareegeen saacadihii ugu dambeyay.

 

Waxgaradkan oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa ugu horeyn ku eedeeyay Al-Shabaab inay si toos ah lacago ugu bixiyaan barakicinta shacabka iyo cabsi-gelinta bulshada deegaanka, taas oo uu sheegay inay sababtay in dad badan ay ka barakacaan guryahooda iyo deegaanadooda.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay kusoo qaadeen deegaanka Tardo, isagoo sheegay in xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal culus kadib ula wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay halkaas isaga baxeen ciidamadii deegaanka difaacayay.

“Ciidamada deegaanka waxay muddo sanado ah difaacayeen deegaankaas, laakin nasiib darro waxay waayeen garabkii ay mudnaayeen. Taasi waxay keentay in ay isaga baxaan deegaanka, awoodna ay u waayaan inay sii wadaan dagaalka,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale xusay in shacabka deegaanka ay dareemayaan cabsi iyo kalsooni darro kadib markii ay arkeen in Al-Shabaab si sahlan ula wareegaan deegaanka, taasoo uu ku tilmaamay guul u ah kooxdaas xagjirka ah.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada iyo culayska ay saarayaan deegaannada ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada, taasoo walaac weyn ku abuurtay dadka shacabka ah iyo masuuliyiinta deegaanka.

Waxgaradka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamulka deegaanka in ay si dhab ah u garab istaagaan ciidamada deegaanka si looga hortago in deegaanno kale ay si fudud ugu dhacaan gacanta Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here