KISMAAYO – Ciidamada Daraawiishta ee Jubaland ayaa howlgallo ballaaran ka sameeyay deegaano dhowr ah oo katirsan gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno katirsan kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.
Howlgalladan ayaa lagu beegsaday xarumo iyo goobo ay Al-Shabaab ku aasayeen miinooyin halis ku ah shacabka, gaar ahaan wadooyinka muhiimka ah ee gobolka. Ciidamada ayaa sheegay in ay fashiliyeen qorshayaal dhowr ah oo kooxdaasi ay ku doonayeen in ay ku waxyeelleeyaan dadka rayidka ah iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi.
Dhacdadii ugu dambeysay ee miino ay dhigtay Al-Shabaab ayaa ka dhacday waddada u dhaxeysa magaalooyinka gobolka, gaar ahaan meel u dhow deegaanka Buula Xaaji, halkaas oo gaari rakaab ah uu miino ku qarxay. Qaraxaasi waxa uu sababay dhimashada afar qof oo ay ku jireen laba haween ah oo walaalo ahaa, taasoo cabsi iyo murugo ku abuurtay dadka deegaanka iyo safarka isticmaala waddooyinkaasi.
Sida ay sheegeen saraakiisha Jubaland, howlgalka ugu dambeeyay waxaa lagu dilay horjoogayaal sare oo katirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku dhuumanayay meel aan ka fogeyn halkii uu qaraxaasi ka dhacay. Waxa kale oo la sheegay in xubno kale oo katirsan kooxdaasi ay gacanta u galeen ciidamada ama lagu dilay howlgalka.
Ciidamada Jubaland ayaa intii lagu guda jiray bilooyinkii u dambeeyay la wareegay deegaano dhowr ah oo ay horey u maamulayeen Al-Shabaab, iyaga oo meesha ka saaray baro kontorool oo ay kooxdaasi ka furan jireen baaritaanno sharci-darro ah oo ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay labalaabeen miinooyinka ay ku aasayaan wadooyinka gobolka, arrintaasoo si weyn u halis galinaysa isku socodka dadka iyo gaadiidka. Ciidamada Jubaland ayaa haatan ku hawlan la dagaallanka xubnaha Al-Shabaab ee si dhuumaaleysi ah uga gudba wadooyinka si ay halkaasi ugu aasaan miinooyin khatar ah.
Shacabka gobolka Jubada Hoose ayaa codsaday in la adkeeyo amniga waddooyinka, maadaama dhowr jeer ay miinooyin haleeleen gaadiid ay la socdeen dad rayid ah, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac ba’an.




