Baydhabo, 22 Luulyo 2025 – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan warbixin ah kula yeeshay Saraakiisha Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyagoo ka wada hadlay xaaladda amniga ee deegaannada maamulkaas.
Saraakiisha Booliska ayaa Wasiirka uga warbixiyay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
Xaaladda guud ee amniga ee gobollada Koonfur Galbeed;
Howlgallada ka socda gobolka ee lagula dagaallamayo kooxda Khawaarijta ah;
Sugidda amniga waddooyinka muhiimka ah iyo xarumaha dowladda;
Iyo wacyigelinta bulshada ee la xiriirta ka hortagga dambiyada.
Wasiir Fartaag ayaa ku bogaadiyay Saraakiisha Booliska Koonfur Galbeed dadaalka ay ku bixinayaan sugidda amniga iyo ilaalinta nolosha shacabka, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta dhow ee ka dhaxeysa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada si loo gaaro nabad waarta oo dalka oo dhan ah.
Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ballan qaaday in wasaaraddu ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso ciidamada amniga, gaar ahaan dhinacyada qalabeynta, tababarka iyo dhiirrigelinta, si ay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran.




