NAJRAN – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in 8 qof la dilay hal maalin gudaheed, kuwaasoo ay ku jiraan afar muwaadin Soomaali ah.
Todobada qof ee la dilay, oo ay ku jiraan afar Soomaali iyo saddex Itoobiyaan, ayaa lagu fuliyey dal-dalaadda Sabtidii shalay gudaha xasbi ku yaalla magaalada Najraan ee koonfurta-galbeed ee dalka Sacuudiga, kadib markii lagu helay dambiga “soo gelinta xashiishka” gudaha Sacuudi Carabiya, oo sharci-darro ka yahay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dilalku ay raaceen dhammaan habraacyada sharciga, iyadoo xukunka ay raggan ku riday maxkamad awood leh oo ku taalla Najraan, ayna ansixisay Maxkamadda Sare, ee dalkaas.
Dhanka kale, Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA) ayaa sheegtay in muwaadin Sacuudi ah la dilay sababo la xiriira dilka hooyadiis, taasoo tirada guud ee dadka la dilay maalin gudaheeda ka dhigaysa siddeed qof.
Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay ku adkaysay siyaasadda adag oo ka dhanka ah daroogada iyo dambiyada, iyadoo xustay in dambiyada noocan ah dadka sameeya ay la kulmi doonaan ciqaabta ugu adag, oo ah dil.
Illaa hadda, ma jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Riyadh ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku saabsan dilka afarta muwaadin Soomaaliyeed ee ka dhacay dalka Sacuudi Carabiya.
Arrintan ayaa welwel ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la dalbanayo in dowladda Soomaaliya ay si degdeg ah u farageliso, si loo badbaadiyo dhalinyarada hartay.
Labadii bilood ee ugu dambeeyay, in ka badan 10 Soomaali ah ayay dowladda Sacuudiga ku fulisay xukun dil ah, kuwaasoo qeyb ka ah illaa 45 dhalinyaro ah loo lagu eedeeyay inay xashiish geliyeen Sacuudiga.
Tirada guud ee dadka la fuliyey xukunka dilka sanadkan 2025 ayaa gaartay 206 qof, oo ay ku jirto hal haweenay. Sidoo kale, sanadkii hore waxaa la dilay in ka badan 300 qof, kuwaas oo badankoodu ahaa argagixiso iyo tahriibiyayaal daroogo.




