Soomaaliya iyo Yemen oo xoojinaya Iskaashiga Amniga iyo midka diblomaasiyadeed

0

CADEN, Yemen — Madaxweyne ku xigeenka Golaha Hogaaminta Qaranka Yemen, Caidarus Az-Zubaidi, ayaa magaalada Caden kulan rasmi ah kula yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdulxakiin Maxamed Axmed, iyadoo si qoto dheer looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga amni ee gobolka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Maashiq ayaa yimid iyadoo gobolka Geeska Afrika uu wajahayo dhibaatooyin isa soo taraya oo la xiriira xasillooni darro siyaasadeed, tahriib, iyo dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah.

Madaxweyne Az-Zubaidi ayaa kulanka ka sheegay in Koonfurta Yemen ay diyaar u tahay in ay Soomaaliya la gasho wada-shaqeyn dhow, si gaar ah dhanka amniga badda iyo la dagaallanka burcad-badeeda, tahriibka, iyo kooxaha hubeysan ee xiriirka la leh shabakadaha xagjirka ah ee caalamiga ah.

“Waa in la mideeyaa dadaallada gobolka si loo sugo nabadda marin-biyoodka Gacanka Caden iyo Badda Cas,” ayuu yiri Az-Zubaidi, isagoo si gaar ah uga digay xiriirka sii fida ee ka dhexeeya Al-Shabaab, Xuutiyiinta iyo Al-Qaacida.

Safiirka Soomaaliya, Cabdulxakiin Maxamed Axmed, ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in xiriirka Yemen iyo Soomaaliya uu noqdo mid istaraatiiji ah, isagoo xusay in iskaashi dhab ah uu fure u yahay amni waara.

Waxa kale oo kulanka lagu lafa-guray arrinta socdaalka sharci darrada ah, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in loo baahanyahay qorshe mideysan oo lagaga hortago musiibooyinka bini’aadantinimo ee ka dhasha tahriibka, kaddib shilkii dhowaan ka dhacay xeebaha Abyan, halkaas oo dooni siday muhaajiriin Afrikaan ah ay ku degtay.

Madaxweyne Az-Zubaidi ayaa shilkaasi ku tilmaamay mid naxdin leh, wuxuuna ku baaqay in la helo xalal waara oo lagu yarayn karo qaxootiga iyo muhaajiriinta ku safra waddooyinka halista ah ee badda.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saleysan in la abuuro hannaan iskaashi toos ah oo u dhexeeya labada dal, si kor loogu qaado xiriirka diblomaasiyadeed, amniga iyo wadajirka istaraatiijiyadeed ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here