Wasiir Fiqi: “Ilaa dalka oo dhan laga saaro Al-Shabaab, dagaalka socda ma istaagi doono”

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Maclin (Fiqi), ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda al-Shabaab uusan joogsan doonin ilaa laga cirib tiro guud ahaan dalka.

 

Isagoo ka hadlayay guusha la wareegista Bariire shalay, ayaa wasiirka carabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay in la xoreeyo dhulka ay weli haystaan Al-Shabaab.

“Dagaalka socda ma istaagi doono ilaa dalka oo dhan laga saaro Al-Shabaab. Waa waajib qaran in aan ka dulqaadno shacabka dhibka iyo cabburinta ay kooxdaasi ku hayso,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in howlgalada milatari ee ka socda gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ay guulo laga gaaray, balse ay weli harsan tahay shaqo badan oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo 2022 qaadey howlgallo ballaaran oo ka dhan ah al-Shabaab, iyadoo kaashaneysa ciidamada deegaanka, askarta Midowga Afrika iyo taageerayaal caalami ah.

Hase yeeshee, Al-Shabaab ayaa weli awood u leh inay weerarro geysato, iyadoo la wareegtay saddex degmo sanadkan, taas oo muujineysa baahida loo qabo dadaal dheeraad ah inay dowladda la timaado, si ugu guuleysato dagaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here