Gedo, Soomaaliya – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa xaqiijinaya in uu geeriyooday Taliyihii booliska Jubaland ugu magacownaa gobolkaasi, kadib weerar culus oo saaka waaberigii lala beegsaday xerada ciidanka Jubaland ee ku taalla deegaanka Tuulo Amiin.
Weerarka oo ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyay ayaa waxaa fuliyeey ciidamada dowladda Soomaaliya oo hogaaminaya Cabdirashiid Janan, taliyaha cusub ee NISA u qaabilsan gobolka.
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah iyo saraakiil amni, weerarka waxaa lagu dilay taliyihii booliska Jubaland ee gobolka Gedo Colonel Xuseen Giif. Wali Jubaland ma aysan xaqiijin geerida taliyaha.
Dhowr askari oo ka tirsan ciidanka Jubaland ayaa ku dhintay, halka kuwa ay ku dhaawacmeen. Waxa kale oo la sheegay in hub iyo gaadiid ay ka mid yihiin kuwa dagaalka laga qabsaday xerada.




