General cusub oo Taliska AFRICOM loo magacaabay iyo qorshihiisa Soomaaliya

0

WASHINGTON – General Dagvin Anderson ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), waxaana ansixiyay Senate-ka Maraykanka.

 

Wuxuu sheegay inuu dib u eegis ku samayn doono in Maraykanku uu taageeradiisa siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Dowlad Goboleedyada.

General Anderson wuxuu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono taageerada uu siiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, balse taageeradaas ay qaab cusub u noqon doonto.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab weli khatar ku tahay danaha Maraykanka iyo amniga guud ee gobolka.

Wuxuu sidoo kale ka digay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, kuwaasoo uu sheegay inay khatar ku yihiin maraakiibta caalamiga ah iyo marinnada muhiimka ah ee badda.

General Anderson wuxuu noqday Taliyihii ugu horreeyay ee ciidamada cirka ka tirsan ee AFRICOM hoggaamiya. Wuxuu horay uga soo shaqeeyay AFRICOM isagoo madax ka ahaa howlgalada khaaska ah ee Afrika.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen todobaadkii hore lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab meel u dhow Bariire. Maraykanka ayaa sheegay inuu taageero sii siinayo dagaalka argagixisada iyo dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Isbeddelkan cusub ee Mareykanka ka sameynayo Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu horaantii sanadkan sheegay in Mareykanku uu joojiyay taageeradii uu siin jiray kumaandooska Danab.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa beenisay hadalkan wasiirka ee ah in Washington ay joojisay taageeradda Danab iyo Howlgalka AUSSOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here