Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku tagay Caasimadda Galmudug State

0

Dhuusamareeb – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

 

Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb, waxaana halkaas ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, bulshada rayidka ah iyo odayaasha dhaqanka.

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Madaxweynaha ayaa la kulmi doona madaxda Galmudug, qeybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana xarigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey deegaanada Galmudug.

Sidoo kale, booqashada Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo xooga saaraya abaabulka bulshada iyo dhiirrigelinta ciidamada geesiyaasha ah ee u taagan difaaca iyo xoreynta dalka.

May be an image of 3 people, aircraft and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 7 people, wedding and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 6 people, aircraft and text that says "中 FOKKIR DANGER-"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here