BOSASO, Soomaaliya – Ciidamada Mareykanka ayaa habeenimadii Sabtidii fuliyay duqeymo cirka ah oo lagu beegsaday fariisimo ay kooxda ISIS ku leedahay dooxada Baallade ee gobolka Bari, xilli dagaallo culus ay halkaasi kula jiraan ciidamada Puntland.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in duqeymaha oo billowday habeenkii Sabtida ay socdeen saacado badan, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsaday deegaanka Maraagade oo ah saldhig istiraatiiji ah oo ku yaalla buuraha Calmiskaad.
Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Bosaso ayaa sheegay inay maqleen jug culus oo ka dhacaysay jiidaha dagaalka.
Duqeymo kale oo drone ah ayaa sidoo kale lagu qaaday goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen xubno looga shakisan yahay ISIS oo ku dhow deegaanka Biyo Kulule, kaddib markii taliska ciidamada Puntland uu soo gudbiyay xog muujinaysa dhaqdhaqaaqyo cusub oo ay halkaasi ka wadeen kooxaha xagjirka ah.
Ciidamada Puntland ayaa hakiyay howlgalladii dhulka kaddib markii ay khasaaro kasoo gaartay dagaalkii cuslaa ee dhacay Jimcihii.
Taliska ammaanka ayaa sheegay in la qiimeynayo sida ugu habboon ee looga sifeyn karo godadka iyo buuraleyda ay ISIS ka samaysatay gabaad.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Puntland oo la hadlay Radio Shabelle ayaa sheegay in madaxweyne Siciid Deni uu ciidanka amar ku siiyay inay sii joogaan meeshii ay hadda marayaan ilaa duqeymaha Mareykanka ay burburiyaan saldhigyada adag ee ay ISIS ka difaacayso.
Weerarkan ayaa noqday kii ugu xooganaa ee bilooyinkii lasoo dhaafay ka dhaca waqooyiga-bari Soomaaliya, iyadoo Puntland ay sii kordhisay dadaalka lagu doonayo in meesha looga saaro kooxda ISIS oo saldhigyo ka samaysatay buuraha Calmiskaad.




