BELGRADE – Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Talaadadii booqasho rasmi ah ku tagay Machadka Farsamada Milatariga ee magaalada Belgrade, iyadoo booqashadu qeyb ka tahay dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso awoodda ciidanka qalabka sida iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhanka difaaca.
Wasiirka ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Serbia, kuwaas oo warbixin ka siiyay shaqada iyo horumarka uu Machadku ka sameeyay dhinacyada tiknoolajiyadda casriga ah ee milatariga, sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, madfacda casriga ah iyo qalabyo kale oo horumarsan.
Booqashadan ayaa muujinaysa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay tayeynta iyo casriyeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), iyo raadinta fursado cusub oo iskaashi oo lagula yeelanayo dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.
“Booqashadu waxay ka tarjumaysaa muhiimadda ay dowladda federaalku siinayso dhismaha awood milatari oo casri ah, iyadoo la iska kaashanayo dowlado kalsooni lagu qabo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, balse codsaday in aan magaciisa la shaacin maadaama wadahadalladu weli socdaan.
Machadka uu Wasiirku booqday ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah xarumaha ugu horumarsan ee cilmi-baarista iyo farsamada milatari ee Bariga Yurub, waxaana Serbia ay tan iyo dhowaanba waday ballaarinta xiriirka difaaceed ee ay la leedahay wadamada Afrika iyo Bariga Dhexe.
Inkastoo aan wax heshiis rasmi ah lagu dhawaaqin intii booqashadu socotay, haddana labada dhinac ayaa muujiyay rabitaanka ay u qabaan in ay sii xoojiyaan wadashaqeynta, gaar ahaan dhinacyada horumarinta aqoonta, tababarrada iyo is-weydaarsiga tiknoolajiyadda difaaca.
Booqashada Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaalka diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ku raadinayso saaxiibo cusub oo dhinaca ammaanka ah, xilli gobolka Geeska Afrika uu wajahayo isbeddelada juquraafi siyaasadeed ee sii kordhaya.




