DOOXA – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Dooxa ayaa ka qayb gashay munaasabadda xuska Maalinta Afrika, taas oo ay soo qabanqaabiyeen Kooxda Safiirrada Afrika ee dalka Qatar, iyadoo ay kasoo qeybgaleen wakiillo diblomaasiyadeed oo ka socday dalalka Afrika ee laga aqoonsan yahay Qatar.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay dhaqamada kala duwan iyo hodantinimada hiddaha iyo dhaqanka dalalka Afrika, iyadoo safaarad kastaa ay soo bandhigtay astaamaha gaarka ah ee dalkeeda.
Qeybta ay Soomaaliya ku lahayd bandhigga ayaa si gaar ah u soo jiidatay dareenka ka qeybgalayaasha, kuwaas oo fursad u helay inay wax badan ka ogaadaan dhaqanka, taariikhda iyo hidaha hodanka ah ee ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay boqolaal qof oo isugu jiray diblomaasiyiin, marti sharaf iyo dadweyne, kuwaas oo si weyn u danaynayay bandhigyada kala duwan ee lagu soo bandhigay goobta.
Safaaradda Soomaaliya ee Qatar ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay kor u qaadidda sumcadda dalka iyo soo bandhigista dhaqanka Soomaaliyeed ee heer caalami, iyadoo ka faa’iidaysanaysa munaasabadaha noocan oo kale ah.
Ugu dambeyn, Safaaradda ayaa u mahadcelisay qabanqaabiyeyaasha munaasabadda iyo dhammaan ka qeybgalayaasha, iyadoo ku ammaantay dadaallada ay geliyeen qabsoomidda xafladdan oo xoojisay isdhexgalka iyo wadajirka dalalka Afrika ee ku sugan Qatar.




