Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirrada cusub ee EU iyo Nederland

0

MUQDISHO, Sebteembar 03, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee safiirrada cusub ee Midowga Yurub iyo Boqortooyada Nederland u fadhiya Soomaaliya.

 

Safiirka cusub ee Midowga Yurub, Danjire Francesca Di Mauro, iyo Safiirka Boqortooyada Nederland, Danjire Henk Jan Bakker, ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho, kadib markii Madaxweynaha si sharaf leh uga guddoomay waraaqahooda aqoonsiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirrada ugu hambalyeeyay xilalka cusub ee loo igmaday, isagoo xusay in Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyn doonto, islamarkaana ay ka filayaan doorkooda diblomaasiyadeed in uu ka qeyb qaato nabadda, horumarka, iyo dib-u-dhiska dalka.

Danjirayaasha ayaa dhankooda uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhawaynta diirran, waxayna ballan qaadeen inay si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalkooda iyo Soomaaliya.

May be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 5 people, wedding and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people, the Oval Office, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here