Booliska Puntland oo Shacabka ugu Baaqay Feejignaan iyo Taageero dagaalka ka dhan ah Daacish

0

GAROWE, 6 Sebtembar 2025 – Taliska Guud ee Booliiska Puntland ayaa shacabka ku nool deegaanada maamulkaasi ugu baaqay inay ka feejignaadaan firxadka kooxda Daacish, islamarkaana ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago halista ka iman karta xubnahaas baxsad ah.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in firxadyo ka tirsan Daacish ay isku dayi karaan inay ku dhex dhuuntaan bulshada rayidka ah, iyagoo ka faa’iideysanaya khasaarihii la gaarsiiyay dagaalyahanadooda intii uu socday dagaalka ka dhanka ah ee ciidamada Puntland ay kula jiraan buuraha Cal Miskaad.

“Shacabka sharafta leh ee Puntland waxaan ka codsaneynaa inay feejignaadaan. Haddii aad aragto ama maqasho qof aad uga shakisan tahay inuu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada ah, si degdeg ah ula soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Booliiska ayaa sheegay in shacabka ay si toos ah ula xiriiri karaan ciidamada amniga iyagoo wacaya lambarka gaaban ee 999 ama fariin ku diraya WhatsApp-ka 905 811 111, kuwaasoo si buuxda u shaqeynaya 24-ka saac.

Dhinaca kale, Puntland ayaa shaacisay qorshe cusub oo amni, kaasoo lagu beegsanayo buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, kaddib marka howlgalka ka socda buuraha Cal Miskaad la soo gabagabeeyo.

Howlgalkan cusub oo loogu magac daray “Onkod”, ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu xoreynayo deegaannada ay wali kooxaha mintidiinta kaga dhuumaaleysanayaan gobolkaas.

Puntland ayaa horey u sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka dhammaan kooxaha xagjirka ah ee khalkhalka ku haya ammaanka gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here