Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray Addis Ababa si uu uga Qayb-galo Shirka Cimilada Afrika

0

Addis Ababa, Itoobiya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Meertada Labaad ee Shirka Cimilada Afrika.

 

Madaxweynaha ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad muhiim ah oo uu uga hadlayo ajandayaasha hortabinta leh ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u dejisay la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo yareynta saamaynta taban ee uu isbeddelkaasi ku leeyahay dalka.

Intaa waxaa dheer, Madaxweynaha ayaa kulammo gaar-gaar ah la yeelan doona madaxda kale ee heer caalami iyo kuwa Afrikaanka ah ee ka soo qaybgalaya shirkan, si loo xoojiyo iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah ee dhinaca cimilada.

Shirkan oo ah mid heer sare ah, ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama isbeddelka cimiladu saameyn weyn ku yeeshay nolosha iyo dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii roob la’aanta iyo abaaraha soo noqnoqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here