LAASCAANOOD – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.
Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana halkaasi ku qaabilay madaxda heer gobol iyo heer deegaan, oo ay ka mid ahaayeen wasiirro, xildhibaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Soo dhaweyntaasi ayaa ahayd mid heer sare ah, iyadoo la muujiyay taageero ballaaran oo loo hayo wafdiga SoDMA.
Ujeedka safarka Guddoomiyaha ayaa ah in la daah-furo mashaariic kala duwan oo la xiriira gurmadka musiibooyinka, horumarinta adeegyada bulshada, iyo qiimeyn guud oo ku saabsan xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira deegaanka.
Intaa waxaa dheer, wafdigu wuxuu qorsheynayaa inuu la yeesho kulammo iyo wada-tashiyo ay la yeelanayaan bulshada deegaanka iyo masuuliyiinta dowlad-goboleedka.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada SoDMA ay ku doonayso in lagu xoojiyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah iyo horumarinta adeegyada bini’aadannimo ee guud ahaan dalka.




