Nairobi – Maxkamad ku taalla Kenya ayaa xubin ka tirsan Al-Shabaab ku xukuntay 115 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay toddobo dambi oo la xiriira argagixisanimo. Ninka lagu magacaabo Ibrahim Hussein Hassan ayaa lagu helay inuu xubin ka yahay Al-Shabaab, isla markaana uu ururiyay xog iyo agab la xiriira falal argagixiso.
Maxkamadda Kahawa Law Courts ayaa sheegtay in taleefanka gacanta ee Hassan laga helay saddex muuqaal oo lagu tilmaamay dacaayad xagjirnimo, kuwaas oo dacwad-oogayaashu sheegeen inay gacan ka geysan karaan qorista iyo xagjiraynta dhalinyarada
Inkasta oo xukunnada toddobada dacwadood ay wadar ahaan yihiin 115 sano, haddana waxay isku mar u wada soconayaan. Sidaas darteed, Hassan wuxuu si dhab ah xabsiga ugu jiri doonaa 20 sano. Hassan ayaa la xiray bishii Sebtembar 2022, xilli uu ku sugnaa xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi. Garsoore Gideon Kiage ayaa sheegay in dacwad-oogayaashu ay maxkamadda u soo bandhigeen caddeymo ku filan oo muujinaya dambiyada lagu soo oogay.
Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in Hassan uu inta uu xabsiga ku jiro qaato barnaamij ka caawinaya inuu ka fogaado xagjirnimada.



