Puntland oo si adag uga hadashay duqeyn lagu dilay Nabadoon reer Sanaag ah

0

Ceel-buh, Soomaaliya – Laamaha ammaanka Puntland ayaa si kulul uga hadlay duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacday deegaanka Jiicanyo ee degmada Ceel-buh, gobolka Sanaag, taasoo lagu dilay mid ka mid ah nabadoonada deegaanka.

 

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Sanaag, G/Sare Aadan Axmed Cali, ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarado dagaal ay saddex gantaal ku dhufteen gaari uu saarnaa nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, xilli uu ku safraayay wadada isku xirta degmooyinka Ceel-buh iyo Badhan.

“Shalay gelinkii dambe ayaa dadka deegaanka Urur iyo Jiicanyo ku soo wargeliyeen ciidanka booliska in duqeyn ka socoto deegaanka, markaan goobta tagnay waxaan halkaas ku aragnay gaarigii iyo meydka nabadoonka oo gubtay,” ayuu yiri Taliye Aadan Axmed Cali.

Baaris hordhac ah ayaa lagu ogaaday in nabadoonka oo keligii watay gaari noociisu yahay Raaf uu si toos ah u bartilmaameedsaday diyaaradda, taasoo saddex gantaal ku dhufatay gaariga.

Wararka laga helayo laamaha ammaanka ayaa intaas ku daraya in nabadoon Cumar uu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Boosaaso, halkaasoo uu kaga qeybgalayay shirar u dhexeeyay dowladda Puntland iyo waxgaradka gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Hay’adaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in goobta duqeyntu ka dhacday laga samayn doono baaritaan buuxa si loo xaqiijiyo cidda ka dambeysay weerarkaasi iyo ujeeddadiisa.

Ilaa hadda lama oga ciddii falkan ka dambeysay, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, sidoo kalena ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dalalka ama ciidamada shisheeye ee ka howlgala hawada Soomaaliya.

Nabadoonada Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ku leh nabadeynta, xalinta khilaafaadka, iyo dowlad-dhisidda, waxaana dilkan uu walaac weyn ku abuuray shacabka iyo madaxda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here