MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga mahadcelisay bayaan dhawaan kasoo baxay Dowladda Carabta ee Masar, kaasoo ku adkeeyay taageerada buuxda ee ay u hayso shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu gaadhayo amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka.
Soomaaliya waxay bayaan-kan u aragtaa mid ka tarjumaya xiriirka qoto dheer iyo walaalnimo ka dhaxaysa labada dal iyo labada shacab.
Dowladda Masar ayaa ku celisay go’aankeeda ku aaddan sii wadista taageerada madaxbannaanida Soomaaliya, amniga gobolka, la dagaallanka argagixisada, iyo dhismaha dowladnimo.
Bayaan-kan ayaa yimid xilli muhiim ah, iyadoo Dowladda Masar ay door firfircoon ka ciyaareyso sidii loo heli lahaa taageero caalami iyo mid goboleed oo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dadaal dheer ugu jirta sidii loo xoojin lahaa amniga, xeer ilaalinta, iyo la tacaalidda caqabadaha ka jira dalka.
Taageerada Masar, oo ay ku jirto ka qayb qaadashada Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ayaa loo arkaa mid muhiim u ah diyaarinta jawiga ku habboon ee ay shacabka Soomaaliyeed ku gaadhi karaan mustaqbal nabdoon oo ammaan ah.
Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadineysa Masar dadaalka ay ugu jirto xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo rajeyneysa in wada shaqayntan ay u horseedi doonto horumar muuqda oo dhinacyo badan leh sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo dhaqanka, taasoo kor u qaadaysa danaha guud iyo xasiloonida gobolka Afrika.



