GUJARAT, India — Markab xamuul oo ka baxay dekedda Jamnagar ee gobolka Gujarat, kuna sii jeeday magaalada Boosaaso ee Soomaaliya, ayaa dab xooggan ku qabsaday xeebaha gobolka Gujarat, isagoo sidday 950 tan oo bariis ah iyo 100 tan oo sonkor ah.
Markabkan oo u rarnaa ganacsato fadhigoodu yahay Puntland ayaa waxaa leh shirkadda HRM oo degan magaaladda Jamnagar. Sida ay wararku sheegayaan, dabku wuxuu ka bilaawday qeybta matoorka markabka, iyadoo laogeyn sababta rasmiga ah ee dabka.
Saddex gaari oo dab-demiska ayaa si degdeg ah loogu diray goobta, iyada oo sidoo kale ambalaasyo iyo ciidamo boolis ay ka qeyb qaateen dadaallada gurmadka.
Shaqaalaha markabka ayaa si nabad ah looga badbaadiyay dabka, hase yeeshee markabka ayaa la jiiday badweynta dhexdeeda si looga hortago in dabku u faafo maraakiibta kale.
Shilalka noocan oo kale ah ayaa si isdaba joog ah uga dhacaya maraakiibta sidda xamuulka ee kasoo baxa India, iyadoo inta badan lagu tilmaamo in cimilada xilliyada bad-xiranka bisha May ilaa September ay keento xaaladaha halista ah ee badda.
Ganacsatada iyo mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in la xoojiyo tallaabooyinka badbaadada si looga hortago musiibooyin noocan oo kale ah, isla markaana loo sugo amaanka xamuulka iyo shaqaalaha maraakiibta.



