Garoowe – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa si qoto dheer uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee Taliyihii Guutada Labaad ee Ciidamada Difaaca Puntland, Janaraal Axmed Cabdi Cali (Qalyare), oo ku shahiiday qarax miino oo kooxda argagixisada ah ee Daacish ay ku aaseen wadada Dhasaan ee buuraleyda Calmiskaad.
Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay in Puntland ay maanta wayday halyeey qaran oo si geesinimo leh u difaacayey dalka iyo dadka, islamarkaana door muuqda ku lahaa howlgalladii lagu xasilinayey deegaannada ay argagixisadu ku dhuumaaleysanayeen.
“Geerida Gen. Qalyare waxay tahay mid xanuun badan. Waxaa naga baxay halyey dalkiisa iyo dadkiisa u soo huray naf iyo maal, kuna jiray dagaalka lagu ciribtirayo cadowga nabadda. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii uu ka baxay, ciidamada Puntland, iyo dhammaan shacabka reer Puntland,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka.
Janaraal Qalyare ayaa si firfircoon uga qeyb qaatay howlgalka ka socda buuraleyda Calmiskaad, isagoo mar walba u taagnaa difaaca Puntland mar kasta oo cadow la soo gudboonaado.
Waxaa la filayaa in maalinta Arbaca ah ee maanta aas qaran loogu sameeyo magaalada Garoowe, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan madax sare oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.




