Xukuumadda Soomaaliya oo meel-marisay qaraar cusub

0

Muqdisho, Khamiis, 25 Sebtembar 2025: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyey qaraar ku saabsan gunaanadka xilka Xeeldheeraha Madaxbannaan ee Xaaladda Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo si rasmi ah loo soo afjari doono dhammaadka bisha Oktoobar 2025.

 

Go’aankan ayaa qayb ka ah Qorshaha Kala-guurka Xuquuqul Insaanka (2025–2026), kaas oo Soomaaliya ay ku qaadanayso mas’uuliyadda kormeerka iyo u kuurgelidda xuquuqul insaanka, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xarriiqay in muhiimad gaar ah la siinayo dhameystirka iyo howlgelinta Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (NIHRC).

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in talaabadani ay muujineyso diyaar-garow dowladeed iyo mas’uuliyad qaran oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqul insaanka, loogana gudbayo hababkii ku-meelgaarka ahaa ee caalamiga ah.

May be an image of 8 people and text that says "QARAARKA GOLAHA WASIIRRADA EE MAAREYNTA XUQUUQUL INSAANKA HANASHADA GO'AAN September 2025, kuna saabsan "Qaraarka Gunaanadka Xilka Xeeldheeraha Madaxabannaan Xuquuqul Insaanka Soomaaliya" Goluhu buuxa DHAMMAADKA WAAJIBAADKA Waajibaadka howsha Xeeldheeraha Madaxabannaan dhammaado muddada ( waafaqsan Xuquuqul Insaanka rasmi hadda Golaha Xuquuqul Insaanka kalfadhigiisa guurka dhashay waajibaadka Xeeldheeraha Madaxabannaan ku-meelgaar doonta Wasaaradda Qoyska Horumarinta Xuquuqul Insaanka, buuxda dhammaystirayo dhismaha howlgalinta Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka QORSHAHA 3AAD Qorshaha dhammaan taageerada ( 2026) barnaamijyada la-talin UNTMIS dabagal, bisha xiriirta xuquuqul insaanka, ilaalinta dadka buuxda loogu Xuquuqul Insaanka, Guddiga (NIHRC), 2026; adaha qaran Naafada, Wasaaradda Qoyska Soomaaliyeed. adaha amniga; Horumarinta hirgelinta HRDDP shaqaalaha"May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here